MEDIA News Somali News

WASAARADA CADALAADA AYAA TABABAR UQABTAY ISU-DUWAYAASHA WASAARADDA EE GOBOLADA PUNTLAND

Madaxda Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-Celinta Dawlada puntland oo uu ugu Horeeyo Wasiirka Wasaaradda ayna weheliyaan Agaasimeha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda puntland iyo Guud ahaan Agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayaa soo agaasimey shir loo qabtay isduwayaasha Wasaaradda Cadaaladda ee Gobolada puntland.
Ujeedka Shirkan ayaa ahaa kala warqaadashada Xarumaha ay ka shaqeeyaan ee Gobolada Dardargalinta Hawlaha shaqo ee ay Bulshada uhayaan Sidoo kale waxaa lagula dardaarmay ka shaqaynta Arrimaha Cadaaladda, Hirgelinta xaquuqda qofkasta oo puntland ah Xaqiijinta Cadaaladda Caruurta masuulna ay ka noqdaan Shaqooyinka kasocda Gobolada ay ka yimaadeen.
Sidoo kale Agaasimayaasha waaxyaha ayaa ku tababaray isuduwayaasha shaqooyinka waxyahooda ka socda.