MEDIA News Somali News

Shirka isku xidhka bah-wadaagta cadaaladda puntland

Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dawlada puntland ayaa qabatay Kulanka iskuxirka bah-wadaagta cadaaladda Shirka waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda.
Waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka wasaarada cadaaladda, Wasiir kuxigeen Horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska, Wasiir kuxigeenka amniga iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda.
Shirka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay bah-wadaagta cadaaladda oo isugu jiran Hay’addaha dowli ga ah, UN iyo kuwa aan dowli ahayn oo leh kuwa caalami ah iyo kuwa maxali ga ah.
Shirka waxaa la isku dhaafsaday xogaha bah-wadaagta cadaaladda iyo hanaanka wadashaqaynta.
Inta uu socday shirka Wasaarada ayaa soo bandhigtay Qorshaha hortebinta leh ee sanadlka 2023.
Qorshaha ayaa ka koobnaa lix tiir oo wax looga qabanayo arrimaha ay kamidyihiin shuruucda iyo xeerarka, helitaanka Cadaaladd loo simanyahay, Dastuurka, DhaqanCelinta iyo xabsiyada, Arrimaha diinta iyo horumarinta Cadaaladda dadka Nugul.

Baahintii:
Xafiiska warfaafinta Iyo wacyi galinta wasaaradda cadaaladda.