Somali News

GUDDIGA DIB U EEGISTA XEERARKA WASAARADDA CADAALLADDA DOWLADDA PUNTLAND.

#Garowe: Wasiiru dowlaha wasaaradda CadaaLladda’ Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta dowladda Puntland mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliso Agaasimaha guud ee Wasaaradda Drs Maryan Mohamed Abdshir ayaa Kulan la qaatay guddiga dib u eegista xeerarka iyo siyaasadaha ay soo gudbiyaan hay’adaha dawladda.

 

Kulankaas waxuu daarnaa In db u eegis lagu sameeyo Xeerka Xabsiyada Puntland waxaana kulankaas qeyb ka ahaa Agaasimaha Waaxda Xabsiyada Wasaaradda Cadaalladda,Dastuurka,Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland.

 

Baahinta:

 

Xafiiska Warfaafinta iyo wacyi-galinta Wasaaradda Cadaalladda,Dastuurka,Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland.