

Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-Celinta Dawlada puntland ayaa maanta qabatay Shirwaynaha Arrimaha Diinta Dawlada puntland Shirwaynaha ayaa Waxaa Daahfuray Madaxwaynaha dawladda puntland Dr Saciid Cabdilaahi Deni oo ay weheliyaan madaxda Wasaaradda Cadaaladda oo uu ugu Horeeyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-Celinta Dawlada puntland Mudane Mohamed Abdiwahab, wasiir ku xigeenka Wasaaradda, wasiirdawlaha Wasaaradda, Agaasimeha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Dawlada puntland.
Shirwaynaha ayaa lagaga Arinsanayay Arrimaha Diinta Nidaamka Dugsiyada Quraanka, Ladagaalanka Maandooriyaha iyo Anshax xumada sido kale Shirkan ayaa Waxa lagu gorfeeyay wada shaqaynta Wasaaradda Cadaaladda iyo Guud ahaan Culimada puntland.
Shirwaynaha ayaa waxa kasoo qayb Galay Madaxwaynaha Dawladda puntland, Gudoonka Maxkamada sare, wasiirada Wasaaraddaha Amniga, Caafimadka, Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha qoyska, Shaqada, Shaqaalaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Taliyaha Ladagaalanka Argagaxisada iyo Maandooriyaha, Taliye Kuxigeenka Booliska, Macaliminta Dugsiyada Quraanka, Culimo ka kala Timid Guud ahaan Gobolada puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey labada qodob ee ugu weyn ee looga hadlayo inta Kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah Nidaaminta iyo Horumarinta Dugsiyada Quraanka iyo La dagaalanka Maandooriyaha iyo Anshax xumada, wuxuuna ku baraarujiyey Wasaaradda iyo Culimaa’udiinka in la joogteeyo Kulamada noocan oo kale ah.
Culimaa’udiinka Munaasabadda ka hadlay waxay ku tilmaameen kulkan kii ugu horeeyay ee noociisa ah baahi weyna loo qabay, laguna horumarin karo dugsiyada Quraanka iyo Sidii looga hortegi lahaa maandooriyaha iyo dhaqamada xun. Waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen wadashaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada.