MEDIA News Somali News

Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo Garoowe ku qabatay Kulan looga tashanayo Istiraatiijiyadda Bahda Cadaaladda ee 2019-2024

Wasaardda Cadaaladda Puntland ayaa waxa ay ku qabatay shirkii 3aad ee looga arinsanayay sidii loo dajinlahaa istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socota ee bahda Cadaaladda Puntland .

Shirka ayaa waxa uu ka dhacay hoolka shirarka ee Xarunta dhexe ay Wasaaraddu ku leedahay Caasimadda Garoowe.

Shirkaa waxaa goob jog ka ahaa inta badan Bahda cadaaladda sida Xeer ilaalinta , Asluubta , Ururka qareenada , Ururka qareenada Haweenka , iyo bixiyaasha gargaarka sharciga ah.

Ugu horayntii waxaa shirka daah furay Wasiir kuxigaynka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Dr Maxamed Cali Faarax iyo kusimaha Agaasimaga guud mudane Ismaaciil Xaaji Cabdi.

Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd in looga doodo baahiya ay qabaan bahda Cadaaladda iyo Qorshayaasha  mudan in lasiiyo mudnaanta koowaad.

Intii uu shirku socday waxaa lasoo bandhigay qolo walba baahiyaaha ay qabto iyo aragtideeda ku aadan istiraatiijiydda cusub ee shanta sano ee soosocota.

Dood iyo falaqayn dheer kadib waxaa la isku raacay istiraatiijiyada cusub ee shanta sano soosocota . waxaana sidoo kale lagu balamay shirar kale oo lagu dhamaystirayo wixii qabyo ah.

Ugu dambayntii waxaa shirka soo xiray Wasiir ku xigaynka oo bogaadiyay kasoo qayb galayaasha, sheegayna in ka wasaraad ahaan ay ka  go’antahay sidii loo fulin lahaa istiraatiijiyada si dhammaan shacabka Puntland ay uheli lahaayeen adeeg Cadaaladeed oo hufan daboolana baahiyahooda.

Waxaana wasiirku uu si guud kula dardaarmay dhammaan bahda cadaaladda in laga wada shaqeeyo sidii adeegyada cadaaladda loo gaarsiin lahaa dhammaan bulshada ree Puntland