MEDIA News Somali News

Wasaaradda cadaaladda Puntland oo Garoowe ku qabatay Shirkii Sagaalad ee Bahda Cadaaladda

Wasaaradda cadaaladda, Arimaha Diinta, Dastuurka iyo dhaqan celinta Puntland ayaa waxa ay Maalinimadii Arbacada kuqabatay Magaalada Garoowe shirkii Sagaalad ee Bahda Cadaaladda.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax kasocitay Hay’adda UNDP, Maxkamada Ciidamada, Maxkamada sare, Xafiiska Xeer-ilaalinta, Ciidanka asluubta Maamulka wasaaradda Cadaaladda, sharci yaqaano iyo bahda Gargaarka Sharciga.

Ujeedada shirka ayaa ahaa sidii la isaga kaashan lahaa dajinta qorshaha Bahda Cadaaladda ee sanadka 2020.

 

Ugu Damabayntii waxaa la isku Raacay in kor looqaado lana joogteeyo Wadashaqaynta ka dhaxaysa Bahda Cadaaladda.