MEDIA News Somali News

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo kaqayb galay Shir ka dhacay dalka Ethiopia

Wasaaradda Cadaaladda dawladda Puntland ayaa waxa ay uga qayb gashay Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobuiya shir soconayay sadex maalmood (10-14 November 2019 ),  shirkaas oo ay ujeedadiisu  ahayd sidii loo dajin lahaa qorshe 2020-2023 ee looga dan leeyahay sidii loo ciribtiri lahaa  faafista cudurka HIV/AIDS.

Shirkaas oo ay kasoo qayb galeen Hay’ado iyo dawlado kala duwan ayaa waxa ay Wasaaraddu kaalin wayn ka qaadatay in qorshaha lagu daro sidii dadka la nool Cudurka ay uheluilahaayeen cadaalad, sidoo kalan looga hortagi lahaa faquuqa ay kala kulmaan bulshada, iyada oo la samaynayo wacyigalin ballaaran, sidoo kalena la hindiso sharciyo gaar u ah ooo ilaalinaya xuquuqdooda, waxa ay Wasaaraddu sidoo kale soo jeedisay in qorshayaasha lgu daro sidii ay uhelilahaayeen kaaliyaal sharci oo ka kaalmeeya uqareemidda dhanka sharciga ah dadka  cudurka la nool.

Shirka ayaa waxaa Wasaaradda umatalayay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda cadaaladda mudane Maxamed Nuur adaan