MEDIA News Somali News

WASAARADDA CADAALADDA PUNTLAND OO MAANTA QABATAY SHIRKA GARSOOR DHAQAMEEDKA PUNTLAND

Waxaa maanta furmay shirka Garsoor Dhaqameedka Puntland oo ay Wasarada Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurku ay soo qaban qaabisay.

Shirkaa oo socon doona laba beri waxaa lagagawada hadli doonaa sidii sare loogu qaadi lahaa dhammaan Garsoor Dhaqameedka iyo sidii looga soo saari lahaa Xeerar iyo Siyaasadii lagu hagi lahaa Garsoor Dhaqameedka.

Shirka Garsoor Dhaqameedka oo isugu jira Culimada oyo Odoyaasha Dhaqanaka waxaa kaloo diirada lagu saari doonaa sidii looga hortagi lahaa loona xallin lahaa khilaaf kasta oo bulshada soo wajaha.